Qof Ku dhintay Buur kusoo duntay Wado soo gasha Hargeysa. (Dhagayso)

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda dhulka Wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Shil ka dhashey buur soo duntay ayaa dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadweyne ku nool wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Buur ku taalla mid kamid ah wadooyinka soo gala magaalada Hargeysa ayaa soo duntay, waxaana xilliga ay soo dumeysay dhinac marayay labo gaari oo waday dad rakaab ah.

Ugu yaraan hal ruux oo dhalinyaro ah ayaa dhintay, halka 7 kalena ay dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay isbitaallada caafimaadka ee magaalada Hargeysa.

Qadartan qabsatay dadkan ayaa waxaa laga hadal hayaa magaalada Hargeysa, waxaana Allaah looga baryay inta dhimtay u naxriisto, inta dhaawacanteyna shaafiyo.

Dhagayso Qof-ku-dhintay-Buur-kusoo-duntay-Wado-soo-gasha-Hargeysa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.