Shirkado Macdanta Baara Oo Dhibaatooyin ku haya Gobolka Gaarisa ee NFD.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gaarisa oo kamid ah gobollada Soomaaliyeed ee ay xooga ku heysato dowladda Kenya ayaa tilmaamaya in halkaas ay ka taagantahay dhibaatooyin kala duwan oo ay sababteeda leeyihiin shirkado macdanta qoda.

Gudoomiyaha gobolkaas ugu magacaaban dowladda Kenya ninka lagu magacaabo Cali Gunow ayaa tilmaamay in dhibaato xoogan ay ka jirto deegaanka, kuwaasoo ay geysanayaan shirkadaha ogolaanshaha ka heysta xukuumadda Uhuru.

Wuxuu sheegay in abaaraha soo noq noqday ay sababteedu leeyihiin shirkadaha, maadaama aaney u aaba yeeleynin deegaanka, taasina ay keentay in gobolka uu ka dhaco isbedel xaga cimilada ah.

Qeyla dhaanta gudoomiyaha Gaarisa ayaa imaaneysa iyadoo horey shacabka Gaarisa ay ka cawdeen dhibaatada shirkadahas.

Halkan ka dhagayso Dhibaatada ka jirta gobolka Gaarisa.

 

You might also like
1 Comment
  1. BMC says

    WAXAAN idinka codsan WARBAAHINTA ISLAAMIGAA inaad naga daysaan magana NFD.
    Kenya marka la joogo BARI ayuu gobolka xigaa lkn Soonaaliya waxuu ka xigaa KOOFUR GALBEED.

Leave A Reply

Your email address will not be published.