Shisheeyaha dalka kusoo duuley Oo Lagu Weeraray Gobollo kamid ah Soomaaliya.
Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro kala duwan ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ee dalka kusoo duuley iyo Soomaalida wehlineysa.
Shabeellaha Hoose, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerareen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee Jannaale, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal in muda ah socday.
Jubbada Hoose, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerareen saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Cabdalla biroole oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaa iyana Mujaahidiintu ku weerareen ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan, dagaal adag ayaana dhacay.
Dhamaan dagaalladan lagu qaaday Shisheeyaha ma jirto khasaare rasmi ah oo aan ka helnay, balse waxaa la hubaa iney jirto waxyeello kala duwan.
Dhagayso Weeraro-ka-dhan-ah-Shisheeyaha-oo-ka-dhacay-Saddex-gobol