Wasiirka Amniga maaamulka Puntland Oo Duleedka Boosaaso Lagu Weeraray.
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka amniga ee maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Deni.
Qaraxyada oo gaarayay illaa labo qarax ayaa meel u dhow deegaanka Af-urur waxaa lagula beegsaday masuuliyiin uu kamid ahaa wasiirka amniga ee maamulka Puntland.
Waxaa lagu soo waramayaa in wasiirku si dirqi ah uga badbaaday weerarka, ayna ku dhinteen qaraxyada 1 askari halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 3 kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay masuuliyadda qaraxyadan khasaaraha dhaliyay ee maanta lagu weeraray wasiirka amniga maamulka Puntland.