Wax kabaro Taariikhda Xaafadda Sheekh Jarraax ee magaalada Al-Qudus. (Dhagayso)
Si loo sameeyo isku xirnaan xagga Juqraafiga ah, loona yareeyo ku xirnaanta ay reer Filastiin ku xiranyihiin xagga juqraafiyadda derbiyada Al-Qudus, ayuu maamulka Yahuuddu xooga saarayaa la wareegitaanka xaafadda Sheykh Jiraax oo taabacsan Qudusta gumeysiga ku jirta.
Xaafadda Ash-Sheykh Jiraax ayaa ku dhacday gumeysiga maamulka Yahuudda sanadkii 1967-dii, waxaana ay ku dhegatnahay Khadka loogu magacdaray khadkii xabad joojinta ee la calaamadeeyay sanadkii 1949-kii, kaasoo ah Khadka kala bara Qudus barigeeda iyo galbeedkeeda.
Si loo tirtiro khadkaas cagaaran, waxay Yahuuddu saddex hotel ka dhiseen halka uu maro barta kala qeybisa Qudus galbeedkeeda iyo barigeeda, waxaana ujeedka iyo hadafka guud uu yahay in dadka mulsimiinta Filastiin ee gumeysiga ku jira laga fogeeyo masjidul Aqsaa Ash-Shariif.
Marka laga hadlo taariikhda iyo aas-aaska xaafadda Sheykh Jiraax, wuxuu cimrigeeda jiraa inkabadan 900 oo sano, waxaana magaca ay ka qaadatay Al-amiir Xusaamudiin bin Sharafu-diin Xiisa Al-Jiraaxi, kaasoo ahaa dhakhtarkii hogaamiyaha mujaahidka ahaa ee Salaaxudiin Al-Ayyuubi, kaasoo qabrigiisu ku yaala xaafadda Sheyekh Jiraax.
Xaafadan waxaa saldhigtay oo degay qoysas Filastiini ah oo uu kamid yahay qoyska An-nashaashiibi, kaasoo uu kasoo jeedo Iscaaf An-Nashaashiibi oo ahaa suuganyahan iyo gabyaa Filastiini ah, kaasoo weli qasrigiisa u uku yaalo xaafadaas.
Waxaa degan xaafadan 3 kun oo qoys oo Filastiini ah, kuwaas oo degan masaaxo dhan 1000 downam, waana intii uga hartay kumanaan downam oo ah masaaxo dhuleed ay xoog uga qaateen Yahuudda, kuwaas oo laga dul dhisay deegaanno lagu deegaameeyay Yahuudda oo loogu magacdaray deegaannada dalcadda Faransiiska.
Guryaha Filastiiniyiinta ee ay hadda Yahuudu doonayaan iney ka raraan dadka mulsimiinta ah ee kunool xaafdda Sheykh Jirraax waxay ku yaalaan wadada Naabulus iyo mandiqadda Shiikaanoot iyo Umu Haaruun, waxaana guryahan laga tarxiiliyo muslimiinta ay tiradoodu gaareysaa 28 guri oo ay deganyihiin ugu yaraan 500 oo filastiini ah.
Guryahan hadda laga barakicnayo dadkii lahaa, lana doonayo in la siiyo Yahuudda waxaa la dhisay sanadkii 1956-dii, waxaana lagu dhisay heshiis dhexmaray Urdun iyo Qaramada midoobay, dadkan la dejiyay ee dhulkooda xilligaas laga barakiciyayna waxaa loo ballanqaaday in guryahan lagu qorayo magacyadooda, oo aaney dhici doonin in sinnaba looga barakiciyo.
Kahor 3 sano inta aan la dhisin maamulka Yahuudda, wuxuu baarlamaanka Yahuudu ansixiiyay qaanuun ku doodaya in dhul iyo goofaf ay leeyihiin Yahuudu ku yaalaan xaafadda Sheykh Jiraax, kuwaasoo Yahuudu lahaayen kahor inta aan la dhisin maamulka Yahuudda, waaa sida ay ku doodayaane.
Tan iyo xilliiyadaas, xukuumadihii isaga daba maray maamulka Yahuudda waxay xooga saareen iney Yahuud ku dhex beeraan xaafadda Sheykh Jirraax, iyagoo weliba halkaas dejinaya Yahuudda xagjiriinta ah, waxaana sidoo kale ay xaafadaas ka dhiseen talisyo milliteri iyo xarunta wasaaradda arimaha gudaha ee Yahuudda, si loo go’doomiyo Filastiiniyiinta ku nool xaafadaas.
1976-dii, jamciyaadka Yahuudda ee ka shaqeeya deegaameynta Yahuudda ayaa dacwado ka furtay maxkamadaha Yahuudda, iyagoo ku doodaya iney leeyihin boosas ku yaala xaafadda Sheykh Jiraax, balse 4 qoys oo Filastiniyiin ah ayaa loo xukumey iney boosaskii lagu doodayay iyagu leeyihiin, laakiin milkiyadda guud ee boosaskaas ayay makxamadda Yahuudu waxay siisay jamciyaadka Yahuudda ee ka shaqeeya deegaameynta Yahuudda ee dhulalka muslimiinta Filastiini.
1982-dii ayaa jamaciyaadka Yahuudda waxay qaarkood dacwado ballaaran dhigteen maxaakiimta Yahuudda, waxayna ku doodeen in 28 qoys oo Filastiiniyiin ah ay ka guuraan guryahooda, maadaama ay leeyihiin Yahuudda, waa siday ku doodeene, balse sanadkii 2002-da ayuu soo baxay go’aankii ugu horeeyay oo kasoo baxa maxkamad Yahuud ah kaasoo labo qoys oo Filastiiniyiin ah looga rarayo guryihii ay ku lahaayeen xaafadda Sheyh Jirraax ee magaalada Al-Qudus.
2008-dii ayaa maamulka Yahuudda wuxuu si qasab ah gurigooda uga saaray qoys Filastiini ah oo ku yaala xaafdda Sheykh Jirraax, waxaana gurigooda la dejiyay qoys Yahuud ah.
Ciidamada Yahuudda oo aad u hubeysan, adeegsanayana hubka nool ayaa qoyska muslimka ah ee Filastiiniga ah waxay xoog uga saareen gurigooda, maalin cad ayaana la dejiyay qoys Yahuudi ah oo xagjir ah, kaasoo ku dooday inuu isagu leeyahay gurigan ay kontomeeyadii qarnigii hore ay soo degeen qoyskan muslimka ah ee Filastiin.
Mandiqadda xaafadda Sheyhk Jirraax, gaar ahaan deegaanka ay ku yaalaan 28-ka guri, ayaa la kulmaya halista barakicinta iyo in guryahoda la dejiyo Yahuudda, waxaana qorshahan qalinka ku duugay maamulka Yahuudda iyo maamulka magaalada Al-Qudus ee ku jirta gumeysiga Yahuudda.
Maamulka Yahuudda ayaa doonaya in ugu yaraan 500 oo guri uu ka dhiso xaafadda Sheykh Jirrax, taasoo la dejinayo qoysas Xagjiriin Yahuud ah, oo ay ku fogaatay necebyka muslimiinta iyo diinta Islaamka, waxaana si loo fuliyo arinkaas ay Yahuudu sameeyeen waraaqado dukumenti oo been abuur ah, iyadoo jamciyaadka Yahuudda lagu taageeray awood ciidan, taasoo awood u adeegsaneysa muslimiinta asalka u leh dhulka la doonayo in laga xoojo.
Halkan ka dhagayso Warbixin_Taariikhda_Xaafadda_Sheekh_Jarraax_ee_Wadanka_Falastiin