Waxgaradka Gedo Oo Cambaarayay Duqeyntii Kenyaatigu ku garaaceen Ceelcadde.

Nabadoono iyo waxgarad kamid ah bulshada ku nool gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii ay dowladda Kenya duqeynta garadarada ah kaga geystay deegaanka Ceelcadde, halkaas oo ay ku dishey hooyo iyo wiil ay dhashey, kuna dhaawacday caruur kale.

Waxgaradka ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso cadaawadda dowladda Kenya u qabto umadda Soomaaliyeed, dhankoodana ay iska difaaci doonaan.

Waxay tacsi u direen ehellada iyo waalidiinta hooyadii iyo wiilkeeda ku dhintay duqeynta, iyagoona Allaah ka baryay inuu shaafiyo caruurta dhaawacan.

Halkan ka dhagayso Waxagaradka Gedo oo cambaarayay duqeyntii Kenya ee Ceelcadde.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.