Weeraro Khasaare Dhaliyay Oo Shabeellaha Hoose Lagula Eegtay Shisheeyaha iyo DF.
Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha Uganda.
Nawaaxiga deegaanka Buufow ee hoostaga Marko waxaa qaraxyo lagula beegsaday askar katirsan kuwa Dowladda federaalka oo saarnaa mootooyin, waxaana halkaas ka dhashey waxyeello kala duwan.
Labada mooto ee qaraxa lagu weeraray ayaa gubtay, halka goobta uu ku dhintay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka, waxaana dhaawacmey 3 kale.
Afgooye, weerar qorsheysan ayaa lagu beegsaday mid kamid ah ciidamada Dowladda federaalka, waxaana halkaas ku gaaray dhaawac.
Inta u dhexeysa Buufow iyo Number 60 oo katirsan Shabeellaha Hoose waxaa kamaa’in loogu dhigay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha, waxaana kamaa’innadu ahaayeen kuwa culus.
Waxaa goobta kusoo degay diyaarado hellecopter ah kuwaasoo daabulay meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Shisheeyaha.
Halkan ka dhagayso Faafaahin howlgallada Shabeellaha Hoose.