Xuuthiyiinta Oo Sheegay Iney diyaar u yihiin Maxaabiis Isweydaarsi.
Kooxda Xuuthiyiinta ee maamusha magaalada Sancaa ee caasimadda wadanka Yemen ayaa shaaca ka qaaday iney diyaar u tahay maxaabiis is weydaarsi ay la sameyso xukuumadda uu hogaamiyo Cabdi Rabbi Haadi Mansuur.
Madaxa arimaha maxaabiista ee kooxda Xuuthiyiinta ninka lagu magacaabo Cabdil Qaadir Al-Murtada ayaa sheegay in kooxdiisu diyaar u tahay maxaabiis isweydaarsi dhab ah oo ay la sameyso xukuumadda Haadi.
Wuxuu sheegay iney diyaar u yihiin in maxaabiista ay dhankooda sii deynayaan ay kamid ahaadaan wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Yemen Maxmuud As-Sabiixi iyo ninka la dhashey madaxweynaha xukuumadda Yemen oo lagu magacaabo Naasir Mansuur Haadi.
Dhinaca xukuumadda Yemen, Maajid Fadaayil oo xubin ka ah wada xaajoodyada ay xukuumaddu la sameysay Xuuthiyiinta ayaa sheegay in dhanka dowladda ay diyaar u tahay maxaabiis isweydaarsi, balse loo baahanyahay in arinkaasi ay si dhab ah u qaataan Xuuthiyiinta.
Xuuthiyiinta ayaa tilmaamay in qorshahan ay garwadeen ka noqon karaan odayaasha dhaqanka, maadaama bay yiraahdeen aaney Qaramada Midoobay dooneynin in maxaabiis isweydaarsigu guuleysto.
Xuuthiyiinta ayaa tan iyo sanadkii 2015-ka waxay maamulayaan magaalada Sancaa ee caasimadda wadanka Yemen, waxaana taageero dhinac weliba ah siiya xukuumadda shiicada ah ee Iiraan, dalka Yemenna waxay ka wadaan xasuuq ka dhan ah muslimiinta Ahlu sunnaha.