100 Ruux Oo kuleyl ugu dhintay wadanka Canada.

.

Wararka ka imaanaya wadanka Canada wuxuu tilmaamayaa in kuleyl aad u daran uu ka jiro wadankaas, kaasoo dhaliyay dhimashada dad aad u badan.

Heer kulka ayaa labadii maalmood ee u dambeysay aad u kordhey, wuxuuna gaaray marka loo eego cabirka heer kulka lagu cabiro 49.5 C, waana heer kulkii ugu sarreeyey ee laga diiwaan geliyo wadanka Canada.

Magaalo lagu magacaabo Vancoufer oo katirsan wadanka Canada ayaa la sheegayaa in maalmihii lasoo dhaafay ay kuleyl dartii ugu dhinteen kudhawaad 100 ruux.

Dadka dhintay waxay u badanyihiin dadka da’da ah, kuwa xanuunsan iyo si guud dadka adkeysiga jirkooda uu daciifka yahay, waxaana la sahdaalinayaa inuu halkan kasii kordhi karo heer kulka daran ee ka jira wadanka Canada.

Isbedelka cimilada ayay ku tilmaameen khubarada bii’ada ee wadanka Canada isbedelkan jira, balse waxay dadka aqoonta u leh diinta islaamka tilmaamayaan in kuleylka iyo abaaruhuba ay kamid yihiin masaa’ibta uu Allaah keeno, kuna yimaada dunuubta ay la yimaadaan dadka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.