Sawirro: Boqollaal Kun oo Muslimiin Ah oo Ku Dukaday Barxadda Masjidul-aqsaa.

Sawirro: Boqollaal Kun oo Muslimiin Ah oo Ku Tukaday Barxadda Masjidul-aqsaa.

Boqolaal kun oo shacabka reer Falastiin ah ayaa salaadii Ciidul Adxaa ku tukaday subaxnimadii maanta oo Talaado ah magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dhulkaas barakaysan ee la haysto.

Inkastoo ay muslimiintu dhib badan kala kulmayeen magaalada ay Yahuudu heysato ee Qudus meelaha laga soo galo magaalada iyo irridaha masjidkana ay joogaan askarta Yahuuda, haddana kumanaan qof oo cibaadeysanaya ayaa awood u yeeshay in ay gaaraan Al-Aqsada barakaysan. iyagoo oogay salaadda Ciidul-Adxaa, waxaana dhawaaqyada takbiirtooda ay ka soo baxaysay luuqyada Magaalada Barakeysan.

Agaasimaha Arimaha Masjidka Al-Aqsa, Sheekh Cumar Al-Kiswani, ayaa wuxuu xaqiijiyay in “tirada dadka cibaadeysanaya inta lagu gudajiray tukashada salaada ciida ay gaareen in kabadan 100,000, (Boqol kun oo qof) xilli caqabado badan oo ka imanaya Yahuuda ay ku xeernaayeen.

Marinka Qaza oo go’doon ah sanadkii 15aad oo xiriir ah, ayaa waxay maanta Muslimiintu ku dukadeen salaadda Ciidul Adxaa, iyadoo ay ka qeybgaleen carruurta, haweenka iyo waayeelka.

Isla markii la dhammeeyey khudbadda Ciidda, Falastiiniyiinta ayaa hambalyo is weydaarsaday, kumanaan dad ah oo ku kala nool gobollada kala duwan ayaa u soo degdegay inay gawracaan xoolaha udxiyada.

Iyadoo ay jirto farxaddaas haddana dhibka ummadaas islaamka ah heysta ayaa waxaa ugu weyn go’doominta iyo burburka baahsan ee ka dhashay duulaankii ugu dambeeyay ee ay Yahuudu ku qaaday Marinka.

Muslimiinta Falastiin ayaa sheegaya iney ku faraxsan yihiin qadiyaddooda iyo mowqifka ay istaageen oo ah iney iska diidaan gumeysiga Yahuuda waxayna ku taamayaan in mar uun ay dhulka ka nadiifin doonaan Yahuuda

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.