Al-Shabaab Oo Askari Ku Dishay Muqdisho Iyo Itoobiyaan Lagu Dhaawcay Bakool.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay askari katirsanaa ciidamada DF.

Askariga la dilay oo lagu magacaabo Macsaro ayaa waxa uu si gaar ah kaga tirsanaa ciidamada boliska, iyadoona raggii dilay ay horay uga sii qaateen qori uu ku hubaysnaa.

Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday farsiin ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin gobalka Bakool.

Fariisnka lagu weeraray Itoobiyaanka ayaa waxa uu ku yaallaa degmada Xudur ee gobalka Bakool, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray ciidanka Xabashida.

Inta la xaqiijiyay 5 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa ku dhaawacmay dagaalkaan ay ciidamada mujaahidiinta ku qaadeen farsiinka ay ku lahaayeen degmada Xudur.

Dagaalkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo habeen ka hor weerar culus ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisin ay askarta Xabashidu ku leeyihiin degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.