Al-Shabaab Oo Duqeysay Awdheegle Iyo Faahfaahin Kasoo Baxaysa Dagaallo Ka Dhacay Mudug.

Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maalintii shalay weerar duqeyn ah la beegsatay saldhig ay ciidamada DF ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Sh-hoose.

Weerarkaan duqeynta ah ayaa lala bartilmaameydsaday saldhigga ay ciidamada DF ku leeyihiin deegaanka Awdheegle, waxaana ka dhashay khasaare la gaarsiiyay ciidamada la duqeeyay.

Inta la xaqiijiyay 10 askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa saldhigga ayaa halkaas ku dhaawacmay, waxaana wararka aan heleyno ay tibaaxayaan in lix kamid ah askartaas ay xaaladoodu tahay mid halis ah.

Dhanka kale faahfaahinno dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaallo maalintii shalay ka dhacay deegaanka Qeycad ee gobalka Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada huwanta ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalladaan ayaa waxaa muddo 4 jeer ah lagu jabiyay ciidamada huwanta ah, waxaana khasaaraha ka dhashay uu yahay dhimashada iyo dhaawaca 7 askari.

Deegaannadii shalay lagu dagaallamay ayaa hadda dagan xaaladooda, walow saacadba saacadda ka dambaysa la filan karo inay qarxaan dagaallo u dhexeeya labada dhinac.

Gobalka Mudug ayaa waxaa wali ka taagan xiisadda u dhexeysa ciidamada huwanta ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana marar badan dagaallo halkaa ka dhacay khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.