Al-Shabaab Oo Howlgallo Kala Duwan ka Fulisay Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fiidnimadii xalay waxay weerar duqeyn ah labeegsatay xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee shisheeyaha kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya kuna taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Jugta ilaa 6 gantaal ayaa laga maqlay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo ku hoobanaya gudaha xerada Xalane oo ah talis kugu weyn ee ciidamada Amisom islamarkaana ay ku yaalaan safaarado dhowr ah oo ay leeyiihin dowladaha shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mujaaahidiintu waxey galinkii dambe ee shalay madaafiic dhowr ah ku garaaceen labo fariisin oo ciidamada DF kaga suganyihiin degmada Jannaale ee gobolka Sh/Hoose.

Dhanka Jubooyinka waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay saqdii dhexe weerar xasmin ah ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Qooqaani.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa Mujaahidiinta u suuro gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta saldhiga sidoo kale waxey weerareen xerada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin isla deegaanka Qooqaani oo ka tirsan gobalka J/Hoose.

Isla Jubbooyinka waxey xalay ciidamada Mujaahidiintu dagaal toos ah ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.