Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan U dhow Degmada Hobyo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaan muhiim ah oo dhaca duleedka degmo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gudaha u galay deegaanka Dheghaye ee hoostaga Hobyo, kadib markii deegaanka ay isaga carareen ciidamada Dowladda federaalka markii ay ka war heleen iney kusoo wajahanyihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deegaanka kula hadlay dadka shacabka ah, kuwaasoo si diiran usoo dhaweeyey ciidamada Mujaahidiinta.

Gobolka Mudug, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kawada dhaq-dhaqaaqyo milliteri oo ay isugu fidineyso gobolka.

Halkan ka dhagayso ciidamada Mujaahidiinta oo la wareegay deegaan hoostaga Hobyo.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.