Amisom oo Nairobi Kaga Shiray Sidii Ay Uga Bixi Lahaayeen Soomaaliya. (Warbixin)

Haddii 2007dii ay dowladaha Afrika qaarkood iyo Reer Galbeedku ka shirayeen sidii ciidamo garab istaaga Xabashida ku jabtay duullaankeedii dalkan loo soo diri lahaa, waxay maanta ka doodayaan sidii bilaha soo socda ay askartooda ula bixi lahaayeen.

Madax iyo rag lagu sheegay khubaro Farsamo oo ka kala socday dowladaha Afrikaanka ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya ayaa waxay kulan wada-tashi ku yeesheen caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Sida lagu caddeeyay war kasoo baxay kulanka, waxaa laga wada xaajooday qorshaha guud ee ciidamada shisheeye iyo sidii ay looga daad gureyn lahaa dalka dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Inkastoo dowladaha Afrikaanka ah ee ciidamada usoo diray Soomaaliya aysan u madax-bannaaneyn iney la baxaan askartooda iyo iney kusii dhammaadaan dagaalada ay kala kulmayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddana waxaa dhabarka ka taagan reer galbeedka oo duullaanka Soomaaliya ka jooga quus, kadib markii ay u hir gali waayeen ahdaaftiisii ugu waaweeneyd.

Madaxda iyo ergooyinkii shirka ayaa isku afgartay inay mowqif guud ka istagaan bixitaanka ciidankooda marka la gaaro dhammaadka sanadkan 2021-ka.

Go’aankaasi ayaa la gaaray muddadii uu Shirkaasi ka socday Kenya, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada Amisom ay ka baxaan Soomaaliya bisha December 31-da ee sanadkan haddii aysan Qaramada midoobay u sameyn muddo kordhin kale.

Dhammaan dhinacyada ka qeyb galay kulanka ayaa ku baaqeen ka hor inta aan la gaarin dhamaadka bixitaanka inay wada-tashiyo wadajir ah yeeshaan ururada Midowga Afrika, IGAD, QM, Guddiyada dalalka ay Milliteriga iyo Boliska ka joogaan Somalia.

Ciidamada Amisom waxay Soomaaliya ku waayeen kumamaan askari halka ay ka naafoobeen kumannaan kale oo dib loogu celiyay wadankooda, waxaana khubarada milatarigu ay sheegayaan haddii aaney jiri lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iney dalka oo dhan isku fidin lahaayeen islamarkaana ku xidideysan lahaayeen sida wadamo badan ka dhacday.

Mareykanka oo calanka u sida duullaanka diineed ee ka socda caalamka ayaa si cad ugu jabay Afganistaan islamarkaana ciidamadiisii kala baxay tanina waa mid kamid ah calaamadaha muujinaya isbadallo cusub oo ay dunidu galeyso waayaha dhow ee soo socda insha’allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.