Askarta Galmudug Oo Maanta Mar Kale Lagu Jabiyay Dagaallo Ka Dhacay Mudug.

Gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya waxaa wali ka socda dagaallada u dhexeeya ciidamada huwanta ah ee ka kala socda DF kuwa maamulka Galmudug iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoona maanta ay mar kale dagaallo ka dheceen gobalkaas.

Barqanimadii maanta ayay ciidamada huwanta ah weeraro kusoo qaaday goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, hasa yeeshee waxaa dagaallo adag kala hortagay ciidamada Mujaahidiinta, iyagoona ku qasbay inay dib ugurtaan.

Dagaalladaan ayaa waxay xoogooda ka dheceen deegaanka Qeycad, oo todonbaadkii hore askar iyo saraakiil looga dilay ciidamada Bangaraafta ee uu Mareykanku soo taba baray, waxayna dad ku sugan deegaanka Bacaadweyne soo warinayaan inay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

Illaa iyo hadda majirto wax war ah oo kasoo kala baxay dhinacyada ku dagaallamay deegaanka Qeycad, waxaana isbuucii labaad oo xiriir ah gobalka ka socda dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.