Beeraleyda Burtinle Oo Cayayaan Ka Cabanaya.
Tacbashada Beeraha iyo wax ka soorka dhulka ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee Allaah uu ku manadeestay Umadda Soomaaliyeed, taas oo ay ku tiirsan tahay nolosha dad badan oo ku dhaqan gayigaan.
Degamada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal oo kamid ah dhulka wax soo saarka leh islamarkaana dadkiisu ay tacbadaan beeraha ayaa waayihii u danbeeyay waxay ka cabanayeen culeysaad badan oo ay ka mid yihiin Ayax iyo cayayaano kale oo fara ba’an ku haayay islamarkaana xaalufiyay dalagyo badan oo ay abuurteen fasallo dhowr ah, taas oo ay cabasho badan ka muujiyeen.
Maxamed xirsi oo ka mid ah beearaleyda degmada Burtinle ayaa sheegey caqabadaha ugu waa weyn ee heesta beeraleyda in ay ka mid yihiin Cayayan fara ba’an ku haaya, cuduro iyo biyo la’an, wuxuuna intaa ku daray in maamulka Puntland ay arintaan kala hadleyn balse aysan ilaa iyo haatan waxaba uqaban.
Dad badan oo ku nool Burtinle ayaa waxay noloshooda ku tiirsan tahay beelaha laakiin waxaa soo wajahay dhibkan ay ka cabasanyaan iyo kuwo kale, balse maamulka Puntlanad oo ka arimiya degmadan ayaan waxaba ka qaban cabashada ka soo yeertay beer qodatada xili maamulku uu qarshaad badan oo uu ku sheegay canshuur ka qaado dad weynaha ku nool dhulka uu ka taliyo, taas oo aan waxba loogu qaban dadka islamaarkaana ku dhacda jeebebka musuuliyiinta u sareysa maamulka Puntland.