Faahfaahin Kasoo Baxaysa Camaliyaddii Lagu Beegsaday Farxaan Qaroole.

Barqanimadii maanta waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacday Camaliyad Nafhurnimo ah, taas oo dhalisay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askar ka tirsan ciidamada DF.

Gaari laga soo buuxiyay waxaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday Kolonyo ciidan oo uu la socday Taliyaha ciidanka booliska ee gobalka Banaadir ee Dowladda Federalka Kornayl Farxaan Qaroole, xili ay ku socdaalayeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Camaliyaadaan oo si gaar ah kaga dhacday agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qaarijin rabay Farxaan Qaroole oo ah Taliyaha booliska gobalka Banaadir sida ay sheegtay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka XSHM, laakiin si dirqi ah ayuu kaga badbaaday balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Tirada dhimashada waa 5 halka ay dhaawacmeen 11 kale oo dhammaantood kamid ahaa ilaalada Qaroole.

Weerarkaan oo Xarakada Mujaadiinta Al-Shabaab ay sheegatay musuuliyadiisa ayaa waxaa sidoo kale lagu bur buriyay dhowr gaari oo ka mid ahaa kolonyada galbinaysay Farxaan Qaroole kana dhacday magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.