Camaliyad Nafhurnimo Oo ka dhacday duleedka Bacaadweyn ee Mudug.

Bartamaha Bacaadweyn ee gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu camaliyad ku beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug oo ku sugan duleedka Bacaadweyn.

Camaliyadda oo ahayd mid xoogan loona adeegsaday gaari walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa beegstay taliska ay ku sugnaayeen ciidamadan katirsan Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ee duleedka Bacaadweyn.

Warar horudhac ah oo la helayo wuxuu tilmaamayaa in khasaare isuga jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid uu ka dhashey camaliyadda Nafhurnimada ah ee uu fuliyay naftii hurahan katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

7 askari ayaa ku dhimatay camaliyadda, 8 kalena way ku dhaawacmeen, gaari uu ku rakibnaa dhashiike, mid kale oo siday sahay ciidan, booyad iyo gaari kalena way ku gubteen, sida ay tilmaameyso xogta aan heleyno.

Gobolka Mudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xaalad milliteri, waxaana halkaas howlgallo ballaaran ka wada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaana dhankooda waxay isku dayayaan iney ka hortagaan dhaq-dhaqaaqyada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.