Ciidamada Yaman Oo la wareegay Qeybo kamid ah Gobolka Al-Beydaa.

 

Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa tilmaamaya in bartamaha wadankaas ay ka dheceen dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada xukuumadda Yemen iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Dagaallada ayaa ka billowday qeybo kamid ah gobolka Al-Beydaa ee bartamaha wadanka Yemen, waxaana qaaday ciidamada xukuumadda Yemen, iyadoo uu barbar socday dagaal kale oo ay qaadeen dhalinyarada qabaa’ilka, waxaana loo awood sheegtay malleeshiyada Xuuthiyiinta.

Degmada Az-Zaahir oo ah degmo muhiim ah kana tirsan gobolka Al-Beydaa ayay dagaallo kadib la wareegeen ciidanka xukuumadda Yemen, waxaana degmadan oo leh ahmiyad istiraatiijiyadeed maadaama uu maro jidka isku xira wuqooyiga iyo koonfurta aad usoo dhaweeyay masuuliyiinta dowladda Yemen.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Yemen oo warbaahinta la hadlay wuxuu tilmaamay in tallaabada ay kula wareegeen degmada Az-Zaahir ay tahay guul taariikhi ah, ayna leedahay ahmiyad gaar ah.

Marka laga soo tago degmada Az-Zaahir, deegaannada Al-Khowlah iyo Ar-Rowdah oo katirsan gobolka Al-Beydaa ayay la wareegeen ciidamada xukuumadda Yemen, waxayna hadda kulaalayaan magaala madaxda gobolkaas ee Al-Beydaa.

Gobollada Ma’rib iyo Al-Beydaa oo kala dhaca wuqooyi bari iyo bartamaha wadanka ayaa waxaa ka soconaya dagaallo culus, maalmihii lasoo dhaafeyna ciidamada xukuumadda Yemen ayaa awood dheeraad ah lasoo baxay iyagoo dagaallo culus qaaday.

Xuuthiyiinta oo ah malleeshiyaad shiico ah ayaa taageero waxay ka helayaan dowladda Iiraan, waxayna gacanta ku hayaan qeybo kamid ah wadanka oo ay kamid tahay magaala madaxda wadankaas ee Sancaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.