Ciidamo Kawada Tirsan Jubbaland Oo Ku Dagaallamay Dooloow.

Wararka naga soo gaaraaya gobolka Gedo oo dhaca koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxay ku waramayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland oo uu hoogaamiyo Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay degmada Doolow oo hoostagta gobolka Gedo waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaaray ciidankii dirirtu dhexmartay.

Sida aan ku heleeyno wararka iska hor imaadkaan ayaa u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida iyo kuwa Asluubta ee degmada Doowlow.

Inta la xaqiijyay dagaalkaan waxaa ku dhaawacmay 3 askari oo uu ku jiro Taliyaha Nabad Sugida Degmada Doolow oo lagu magacaabo Xasan Cibaar.

Ciidamada ka tirsan maamulada shisheeyaha ku daaban ayaa waxaa caado u ah iney ku dagaalamaan deegaannada ay ka arimiyaan iyagoo isku geystay dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac, waxaana intaa kasii daran wax yeellada ay u geystaan bulshada ay ku dhex dagaalamayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.