Ciidanka Galmudug Oo Meydad Ka Cararay Kuna Jabay Dagaallo Ka Dhacay Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Galmudug barqanimadii maanata sadax goor lagu jabiyay dagaallo kooban oo ka dhacay duleedka deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobalka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo adag kala hor tagay ciidamada maamulka Galmudug oo muddo 3 goor ah dhaqdhaqaaqyo ka sameeyay duleedka deegaanka Qeycad, waxaana natiijadu noqotay iney jabaan oo ay cararaan ciidanka Galmudug.

Goob joogayaal iyo ilo kale oo lagu kalsoon yahay ayaa waxay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyeen in ciidanka galmudug ay goobta uga carareen meydadka 3 askari.

Duullaanadaan ay soo qaadeen ciidamada Galmudug ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii shalay qarax ka dhacay duleedka deegaanka Xinlabi ee hoostaga gobalka Mudug lagu bur buriyay gaari Cabdi Bile ah, iyadoona qaraxaas lagu dilay hal askari.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.