Dab Geestay Khasaare Xooggan Oo Ka Kacay Warshad Ku Taalla Dalka Bangladesh.

Wararka aan ka heleyno dalka Bangladesh ee dhaca Koonfurta qaaradda Aasiya ayaa waxay ku waramayaan in halkaas uu ka kacay dab xooggan oo sababay khasaare baaxad leh.

Dabka ayaa ka kacay Warshad sameysa Cuntooyinka oo ku taala magaalada Rupganj, oo ah magaalo caan ku ah warshadaha islamarkaana 25km dhanka bari ka xigta magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangladesh.

Wakaaladda Wararka ee AFP oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan waaxda dab damidka ee dalkaas ayaa sheegtay in dabku uu ka kacay dabaqa hoose ee dhismaha Warshada Hashim Food and Beverage Factory kaasoo kadibna ku fiday dhamaan dhismaha Warshadda.

Dabkaan oo socday in kabadan 24 saac ayaa burbur xooggan u geestay dhismaha Warshadada oo ka kooban ilaa 3dabaq waxaana dantu ku qasabtay qaar badan oo ka mid ah shaqalaha Warshadda in ay iska tuuraan saqafka sare ee dhismaha, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Mid kamid ah shaqaalaha Warshadda oo asigoo isbitaalka ku sugan wabaahinta lahadlay ayaa sheegay in isaga iyo tobaneeyo kale oo shaqaale ah ay ku ordeen dabaqa sare kadib markii uu dabku ka kacay dabaqa hoose ee dhismaha islamarkaana qiiq madoow uu daboolay dhismaha dhan taas oo ku kaliftay in qaar kamid ah saaxiibadiisa ay iska shalwiyaan dabaqa.

Inta la xaqiijyay dhacdadaan waxaa ku dhintay 52 ruux, toboneeyo kalena way ku dhaawacmeen, halka qaar kale lagu la’yahay bur burka dhismaha, sida ay sheegeen musuuliyiinta dowlada Bangladesh.

Dalka Bangladesh ayaa marar badan waxaa ka dhacay falalka nuucaan oo kale Sanadkii 2019, dab ka kacay dhisme weyn oo ka kooban guryo, dukaamo iyo bakhaarro oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimada dalkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 67 qof, halka sanadkii 2012-kiina dab qabsaday Warshad dharka sameysa oo ku taal duleedka magaalada Dhaka, ay ku dhinteen 112 qof halka in kabdana ay ku dhaawacmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.