Dab Ka Kacay Suuq Weyn Oo Ku Yaala Magaalada Mombasa Ee Dalka Kenya

Wararka naga soo gaaraya magaalo xeebeedka Mombasa ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka kacay dab xooggan oo gestay khasaase hantiyadeed.

Dabka ayaa xalay saqdii dhaxe ka kacay qeyb ka mid ah suuqa Kongowea oo ku yaalla bartamaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Gurmad kala duwan oo ay sameeyeen dadka magaalada iyo kooxaha dab damiska ayaa waxaa lagu guuleystay in dabku uusan ku fidin suuqa intiisa kale iyagoona damiyay dabka gabi ahaanba siday warbaahinta usheegeen goobjoogayaal.

Suuqa Kongowea oo ah kan ugu weyn gobolka xeebta ayaa wuxuu ka kooban yahay qeybaha kala duwan ee ganacsiga waxaana dabkaan uu geestay khasaase xooggan oo soo gaaray dadkii lahaa tuukaamo iyo goobo ganacsi oo ku basbeelay dabkaan.

Maha markii ugu horeysay uu dab nuucaan oo kale ah ka kaco suuqan balse marar badan ayuu sidaan oo kale ugubtay waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.