DAB QABSADAY GURYO KU YAALA MAGAALADA HARGEYSA.
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa ku waramaya in dab xoogan uu qabsaday labo guri oo ku taalla magaaladaas.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dabkan qabsaday guryahan ku yaala magaalada Hargeysa, waxaana uu dhaliyay khasaare nafeed.
Ugu yaraan 2 caruur ah ayaa ku dhimatay dabkan, sida ay sheegayaan dadka magaalada Hargeysa.
Waqti badan ayuu qaatay dabka, waxaana adkaatay damintiisa, sababo ku aadan wadooyinka oo aan wanaagsaneyn, si fududna kusoo mari karin gawaarida dab damiska.
Waxaa kaloo dadkii isugu soo baxay goobta halkii laga rabay iney dabka damiyaan ay ku mashquuleen iney muuqaallo ka duubtaan, si mid kastaa uu u dhigto barta uu ku leeyahay Internetka.