Dagaal Lagu Dilay Ciidamo Katirsan DF Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta dagaal culus oo udhaxeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowlada Federalka uu halkaas ka dhacay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka DF ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Cowmaad ee degmada Matabaan, balse waxey la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid ciidamada malliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sida aan ku heleyno wararka dagaalka ayaa ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana jugta iyo dhawaqa rasaasta laga maqlayay deegaanada ku dhow halka uu ka dhacay dagaalka.
Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciidanka DF ayaa lagu dilay dagaalka halka ilaa 4 qori oo kala ah 1-BKM ah iyo 3- AK47 ah laga qabsaday iyadoona sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta usuuro gashay inay jabiyaan ciidankii weerarka soo qaaday islamarkaana ay ku qasbaan inay goobta kaga cararaan meydadka askartii looga laayay dagaalka.
Saacado ka hor ayay aheyd markii isla deegaanka Cowmaad ay dagaalyahanada Al-Shaabab qarax xooggan kula beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidamada DF, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 5 askari halka gaari C/Bile ahna looga gubay.