DEG-DEG: Camaliyad Nafhurnimo Oo ka dhacay Muqdisho.
Jugta qarax xoogan oo ahaa camaliyad Nafhurnimo oo uu fuliyay mid kamid ah naftii huriyaasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Camaliyadda Nafhurnimada ayaa ka dhacday isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana khasaaraha horudhac ah ee la helayo uu tilmaamayaa dhimashada 15 askari oo isuga jira ciidamada booliiska iyo kuwa Sirdoonka ee Dowladda federaalka.
Waxaa sidoo kale tirada dhaawacu marayaa 22 ruux oo katisan qeybaha kala duwan ee ciidamada Dowladda federaalka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan Nafhurnimada ah oo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho.