DEG-DEG: Howlgal gaar ah oo ka dhacay Isgosyka Bakaaraha ee Muqdisho.

 

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Howlgalka oo ahaa mid cajiib ah, islamarkaana ay dadku hadal hayaan ayaa waxaa lagu dilay askariga, kadibna waxay Mujaahidiintu ka furteen qorigii uu watay.

Ragga dilka geystay ee katirsan Mujaahidiinta ayaa goobta uga dhaqaaqay si nabadgeliyo ku dheehantahay, waxaana meydka qaaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Maalmo kahor ayay aheyd markii weerar nuucaan oo kale ah ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shaabab ka fuliyeen degmada Kaaran ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Minishiibiyada ee DF, islamarkaana ay ku dhaawacen mid kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.