Dhageyso Rabshadaha Sowth Afrika Iyo Saameynta Soomaalida.

Banaabaxyada rabshadaha wata ayaa ku sii baahaya waddanka Koonfur Afrika, kaas oo lagu dalbanayo siidaynta Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jacob Zuma oo xabsi ku jira maalintii shanaad.

Dadka ka careysan arinkaasi ayaa boob baahsan u geysanaya suuqyada waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka Johannesburg iyo Durban oo markii horaba uu ka bilowday qalalasahaan, waxaana barbar soconaya dab ay qabadsiinayaan dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsiga.

Ugu yaraan 72 qof ayaa ku dhintay rabshadahan oo toban ka mid ah ay ku dhinteen isbuurasho, xilli habeenkii Isniinta uu boob ka socday goobo ganacsi oo ku yaala deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburg.

Dadka ku dhintay rabshadahaan ka socda dalkaaas waxaa ka mid ah 4 ganacsade Soomaali ah, halka 8 kalena ay dhaawacyo ka soo gartay, waxaana dhac loo geestay goobo ganacsi ay Soomaalidu ku leeyihiin waddankaas.

Hadaba, Cabdullaahi Maxamed Maxamuud, oo kamid ah Soomaalida ku ganacsata wadankaas ayaa Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan uga waramay xaaladihii ugu dambeeyay iyo saameynta ay arrimahan ku yeesheen Soomaalida.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Cabdullaahi Maxamed Maxamuud Oo Ku Sugan Koonfur Afrika

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.