Ganacsato Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Koofur Afrika.

Habeenkii xalay waxaa dalka Koonfur Africa ka dhacay dilal qorsheysan iyo dhac loo gatsyay dhowr xarumood oo ah goobo ganacsi oo ku yaalla gudaha dalkaas.

Gobolka Eastren Cape oo ah halka ay ka dheceen booblka iyo dalalka ayaa lagu soo waramayaan in qaar kami ah xarumaha ganacsi ee la boobay ay lahaayeen gacansato Soomaali ah.

Boobka loo gaystay xarumaha ganacsi ayaa yimid kadib markii gacansade u dhashay dalka Itoobiya uu toogtay mid kamid ah dadka Koonfur Afrikaanka ah ee ku sugnaa halkaas, kaas oo isagana la sheegay inuu ahaa ganacsade kale.

Isla gobalkaan waxaa habeenkii xalay lagu dilay laba ruux oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh gudaha Koonfur Afrika, kuwaas oo lagu dhex dilay xarumahooda.

Illaa 7 xarumood oo ganacsi oo 3 kamid ah ay lahaayeen dad Soomaali ah 4-ta kalana ay liiyihiin Itoobiyaanka ku sugan dalkaas ayaa lagu boobay rabshadahaan, iyadoona boobka kadib dab la qabad siiyay xarumahaas

Dillalka dhaca iyo boobka loo gaysanayo ganacsatada ku sugan Koonfur Afrika ayaa caadi ka noqotay gudaha waddankaas, iyadoona Soomaalida ku sugan halkaas ay yihiin dadka ugu badan ee ay dhibaateeyaan burcadda Koonfur Afrkaanka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.