Diyaarad ay Saarnaayeen 90 Askari Oo Ku Burburtay Wadanka Filibiin.

 

Diyaarad millatari oo ay lahaayeen ciidamada xukuumadda Filibiin ayaa ku bur burtay koonfurta dalkaas, iyadoona uu ka kacay dab xooggan.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 92 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo katirsan xukuumadda Filibiin, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dadkii saarnaa diyaaradda.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada cirka ee Filibiin ayaa lagu xaqjiiyay inay bur burtay diyaaradda oo uu nuuceedu ahaa 130, waxayna xuseen inay bu burtay xilli ay soo gaca dhigan rabtay.

Wargeyska Newyork Times oo soo xiganaya sarkaal katirsan dowladda Filibiin ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 askari ay ku dhinteen bur burka diyaaradda, isagoona sheegay inay suuragal tahay in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay.

Wasiirka difaaca ee Filibiin ayaa sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen 92 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan 3 duuliye iyo 5 kaid ah shaqaalaha diyaaradda, waxayna wararku intaa ku darayaan in 40 kamid ah dadkaas lasoo bad baadiyay kuwaas oo la geeyay xarumo caafimaad.

Dhacadadaan ayaa kusoo aadaysa 10 maalmood ka hor diyaarad helojobtar ah oo ku bur burtay Manila ee dalka Filibiin, halkaas oo ay ku dhinteen 6 askari oo saarnaa diyaaradda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.