Diyaarad Rakaab u Siday Xabashida Ku Go’doonsan Magaalada Xudur Oo Soo Dhacday

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad sahay siday ay kusoo dhacday degmada Xudur ee gobalka Bakool ee dhaca koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Dayaardda oo aheyd nooca qumaatiga u kacda islamarkaana sahay u waday ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku go’doonsan degmada Xudur ayaa ku soo dhacday meel u dhow xerada ay xabashida kaga sugan yihiin magaaladaas.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan diyaaradda ayaa dhabarka dhulka ku dhufsatay iyadoo lugaheeda ay kor soo mareen. lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Shilkaan diyaaradeed ayaa ku soo aadya saacado uun ka kor markii diyaarad rabaab ah oo ay la socdeen 45 ruux kana soo kicitintay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ay ku soo dhacaday garoonka diyaaradaha ee degmada Ceelwaaq, taas oo sababtay in ay dhaawacmaan 7 qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.