FAAHFAAHIN: 14 Askari oo Galmudug Looga Dilay Dagaaladii Maanta Ka Dhacay Mudug.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaallo dhowr oo maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobalka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaaladaani ayaa yimid kadib markii ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan dowladda Federalka iyo maamulka Galmudug ay weeraro ku soo qaadeen subaxnimadii maanta deegaanka Qeycad ee ka tirsan gobolka Mudug, balse waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Sida aan ku heleyno wararka ciidamada huwanta ah ayaa ilaa 7 jeer lagu jabiyay weerarada ay ku soo qaadeen deegaanka Qeycad, waxaana soo gaaray khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta la xaqiiyay waxaa dagaalada maanta lagu dilay 14 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Daahar Cabdullaahi Warsame (Daahir Jareer) oo ka tirsanaa Guutadda 21-aad iyo Ina lacag-jecel oo ahaa Sargaal ka mid ah ciidanka Bangaraaf ee daacadda u ah Mareykanka, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 19 askari halka intii kalena kagu qasbay in ay ka firxadaan goobta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.