Faahfaahin: Al-Shabaab oo Dib Ula Wareegay Bacaadweyn Kadib Dagaallo Dhacay.

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo maanta oo Talaado ahayd ka dhacay dhowr deegaan oo katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal adag kala hor tagay ciidamo huwan ah oo maanta galinkii hore dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay deegaanno dhaca bariga iyo Koonfurta gobolka.

Dagaalkii ugu horreeyay uguna waqtiga badnaa ayaa ka dhacay duleedka degaanaka Wisil kadib markii ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ee Mudug ay fooda galiyeen askar kasoo baxday Wisil xilli ay marayeen tuulada la yiraahdo Sabeena-gowrac.

Wararka halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidanka Galmudug ay muddo 4 goor ah ku jabeen dagaallo halkaa ka dhacay, sababta soo noq-noqoshada dagaalada ayaana ahaa iyagoo doonayay iney qaataan meydadka askar laga dilay, laakin ugu dambeyntii iyagoo ka cararay qaar kamid ah meydadka askartooda ayaa waxay galeen Wisil.

Sidoo kale dagaal labaad ayaa wuxuu ka dhacay duleedka degaanka Bacaadweyne kaasoo dhex maray ciidamo qeyb ka ahaa kuwii Wisil kasoo baxay balse jid kale soo qaaday islamarkaana galay degaanka Bacaadweyne. Ka hor dagaalka waxay askartaasi Galmudug isku sawireen magaalada balse markey dhiillo iyo dhabar jabin dareemeen ayaa iyaga iyo ciidanka Al-Shabaab isku fara saareen duleedka magaalada.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa dagaalkaas ku jabay askarta Galmudug iyagoo ka cararay meydad hor leh balse waxay gabbaad ka dhigteen oo ay galeen xero 21-aad oo ah halkii ay dagganaan jireen ka hor inta aan lagala wareegin dhowr bilood ka hor, waxaase dhacday in xerada looga daba tagay ayna isaga baxeen iyagoo afka aadiyay Wisil.

Madax sadaxaad oo kamid ahaa ciidamadii Galmudug ee kasoo baxay Wisil ayaa wuxuu iyagana dagaal kale ku qabsaday tuulo la yiraahdo Qeycad oo u dhow Bacaadweyne, natiijada ayaana waxay noqotay in askartaas ay jabaan kana cararaan meydad iyo hub.

Ciidanka Galmudug ayaa waxaa dhanka hawada kala socday diyaaradaha Mareykanka saasoo ay tahayna waa ay ku jabeen sadaxdii goobood ee la isku fara saaray, dadka ku dhaqan degaanka Bacaadweyne ayaa ku waramaya in xaaladdu daggan tahay islamarkaana uu dib usoo laabtay maamulka Islaamiga ah.

Isku darka meydadka ay ka carareen ciidanka Galmudug ayaa gaaraya 11, halka sidoo kale laga furtay 5 qori oo boobayaal ah kana mid yahay BKM ama Daba-jeex.

Ciidamada Galmudug ayaa iyagoo jabay islamarkaana wata meydad, kana soo tagay meydadka qaar kamid ah saaxiibadood waxay caawa ku hoyanayaan Wisil.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.