Heshiis Shidaal Oo Dhex Maray Imaaraadka Iyo Yahuudda Oo Qanaaco Darro Laga Muujiyay.

Raiisul Wasaarada maamulka Yahuudda iyo Wasiirka Arimaha Dibbda ayaa waxay bilaabeen in ay dib uga fiirsadaan heshiis shidaal oo ay xukuumadii hore ee Benjamin Netanyahu la gashay dowladda Imaataadka Carabta, kaas oo dhigayay in dhuumaha shidaalka qaada ee dowlada Imaaraadka la marsiiyo magaalooyin uu ka arrimiyo maamulka Yahuudda.

Dib u eegistaan ayaa ka dhalatay walaac xooggan oo ay ka muujiyeen ururada Yahuuda qaarkood kuwaasoo sheegay in uu degaan ahaan u saameyn karo, gaar ahaan xagga bey’ada.

Wasiirka Tamarta ee maamulka Yahuudda ayaa mar uu ka hadlayay arintaan sheegay in heshiiska lala saxeexday Imaaraadka wax faa’iido ah uusan ugu jirin, isla markaana ka noqoshadiisu wax dhibaato ah aysan u keeneyn Yahuuda.

Wargayska Haaretz ayaa sheegay in koox xirfadlayaal ah oo ka kooban wakiilo ka socda dhowr wasaaradood ay dhowaan kulmi doonaan si ay mowqif uga qaataan heshiiskaan una dejiyaan mowqifka dawlada cusub si ay go’aanka kama danbeees ah kaga qaadato maxkamada sare ka noqoshada heshiiska.

Shirkadda maamulka Yahuudda ee Europe Asia Pipeline iyo shirkadda Imaaraatka ee Med Red Land Bridge ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad bishii Oktoobar ee sanadkii 2020, kaas oo dhigayay in shidaalka Imaaraadka ugu dirayo qaaradaha Yurub iyo Aasiya la marinayo dhuumo isku xira laba magaalo xeebeed oo ku yaala Badda Cas Badda iyo badda Dhexe, taas oo Imaaraadka ka saacidaysa inay yareyso isticmaalka marinka Suez Kanaal oo aad qaali u ah isla markaana waqti badan ku qaadanaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.