Howlgallo ka dhacay Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose. (Dhagayso)

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay fuliyeen howlgallo dhowr ah oo ka dhacya gobollada qaar ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda federaalka iyo askarta maamul goboleedyada.

Muqdisho, meel u dhow saldhiga degmada Howlwadaag ayaa waxaa qarax xoogan lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Qaraxa kalena waxaa isla ciidamada Dowladda federaalka lagula eegtay fariisin ay ku leeyihiin wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Shabeellaha Hoose, howlgallo kala duwan ayay ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen, waxaana kamid ah weerar lagu qaaday difaacyada deegaanka Calamada ee duleedka Ceelasha biyaha.

Jubbada Hoose, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerar culus ku qaadeen saldhiga deegaanka Kulbiyow ay ku leeyihiin ciidamada Kenyaatiga ee qeybta ka ah duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgallo dheeraad ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.