Howlgallo Kala Duwan Oo Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah Goballada Dalka.

Ciidamo Katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose, kaas oo lagu dilay masuul katirsanaa DF.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay gudoomiye waaxeed ka maid ahaa maamulka degmada Afgooye, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Amiin.

Dilkaan loo gaystay gudoomiye waaxeedka ayaa waxa uu dhacay habeenkii xalay, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo ay sii kordheen weerarda nuucaan ah ee lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha DF.

Dhanka kale habeenkii xalay waxaa isla gobalka Sh/hoose ka dhacay weeraro safballaaran ah, kuwaas oo lala beegsaday farsiimo ay ku sugnaayeen ciidamada Shisheeye iyo kuwa DF.

Weerardaan tooska ah ayaa waxaa lagu qaaday farsiimo ay Afrikaanta iyo ciidamada DF ku leeyihiin Magaalada Buula Mareer ee gobalka Sh/hoose.

Maalintii shalay waxaa sidoo kale gobalka Sh/hoose ka dhacay weerar dhabbagal ah, kaas oo lala beegsaday askar katirsan kuwa DF.

Weerarkaan jid galka ah ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen askartaan oo kasoo baxay degmada Afgooye islamarkaana ku socdaalayay wadada isku xirta degmada Afgooye iyo Wanlaweyn oo kawada tirsan Sh/hoose.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ciidamada DF lagu gaarsiiyay weerarkaan, iyagoona dib ugu laabtay Afgooye oo ah halkii ay marka hore kasoo bexeen.

Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale habeenkii xalay ka dhacay qarax lala beegsaday goob fariisin ah oo ay ciidamo ku dugnaayeen.

Fariinka lagu qarxiyay ciidamadaan oo katirsanaa DF ayaa waxa uu ku yaalla derbiga xirada Xalane ee ay dagan yihiin shisheeyaha, waxaana farsiinkaan laga difaacayay xiradaas.

Dhanka Jubooyinka waxaa sidoo kale habeenkii xalay ka dhacay weeraro lagu qaaday ciidamada Kenya ee qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka.

Ciidamo katirsan xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka wareeray farsiin ay Keenyaatiga ku leeyihiin deegaanka Taabto oo katirsan gobalka Jubada Hoose.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa mudooyinkaan dambe sii laba jibaartay weerarda ay ku beegsanayso Afrikaanta kusoo duushay dalka, iyo kuwa soomaalida ee gabaadka u ah shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.