Howlgallo Saf ballaaran ah Oo ka dhacay Gobollo dhowr ah oo kamid ah Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fuliyeen howlgallo saf ballaaran ah oo ay ku beegsadeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Jowhar oo ah xarunta Shabeellaha Dhexe, meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar qarax xoogan oo ka dhacay waxaa lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada Bankrafta ee la shaqeeya Maraykanka, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmey 6 kale.

Duleedka Bariire, qarax xoogan oo lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka waxaa lagu dilay 4 askari, halka 2 kalena ku dhaawacmeen.

Marka laga soo tago qaraxyadan, waxaa jira dagaallo toos ah oo ka dhacay qaar kamid ah gobollada, waxaana kamid ah gobolka Gedo.

Baardheere waxaa lagu weeraray ciidamada Xabashida Itoobiya, teendhooyin ayay Mujaahidiintu dab qabadsiiyeen, qeyla dhaanta xabashida ayaana la maqlayay.

Inta u dhexeysa Doolow iyo Luuq, waxaa kamiin loogu dhigay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka, 2 askari ayaa halkaas lagu dilay, Mujaahidiintu waxay furteen gaari nooca raaxada ah, iyagoo gubay mid kale.

Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka ayaa iyagana kamid ah goobaha lagu weeraray Shisheeyaha iyo askarta Soomaalida.

Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgalladaas iyo goobaha ay ka dheceen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.