Imaam Masjid Oo Imaamnimada Looga Qaaday Aayado Quraan Oo uu akhriyay Darteed.
Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday wadanka Faransiiska, taasoo markale muujineysa dagaalka aan geedka loogu soo gamban ee ay xukuumadda Macron kula jirto diinta Islaamka.
Wasaaradda arimaah gudaha ee dalka Faransiiska ayaa wareegto ay soo saartay waxay masuuliyadda Imaamnimada masjid ku yaala wadankaas uga qaaday imaam masjid, sababo ku aadan aayado Quraan oo uu akhriyay.
Imaamka masjidka weyn ee Santi Shamond kuna yaala magaalada Lowar, ayaa laga wareejiyay masuuliyadda Imaamnimada masjidka, kadib markii khudbadii Ciida uu akhriyay aayado Quraan oo ku jira suuratul Axzaab, kuwaasoo haweenka Nabiga uu Allaah ku amray iney guryahooda joogaan iyo Xadiith kale oo laga wariyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.
Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Farnasiiska ayaa sheegay in arintan ay ka hor imaaneyso qiyamka uu sheegay iney leedahay Jamhuuriyadda Faransiiska, waxaana imaamka oo lagu magacaabo Maadi Axmada laga eryay masjidka.
Muuqaalka Imaamka masjidka oo aayadaha Quraanka akhrinaya ayaa waxaa barta Internetka geliyay masuul Faransiis ah oo laga soo doorto magaalada uu masjidka ku yaalo, waxaana goordambe arkay wasaaradda arimaha gudaha ee Faransiiska.
Dowladda Faransiiska ayaa ku doodey in Imaamka uu dhiirgelinayo in haweenka muslimaadka guryahooda joogaan, taasina ay ka hor imaaneyso xeerarka Jamhuuriyadda Faransiiska.
Warqad kasoo baxday maamulka magaalada Lowar ayaa lagu sheegay in Imaam Maadi Axmada laga wareejiyay masuuliyadda masjidka, lagana shaqeyn doono inaan loo cusbooneysiin warqadda joogitaanka wadanka Faransiiska.
Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale dowladda Faransiiska ay imaamnimada masjid ka qaaday ninka lagu magacaabo Mahdi, kaasoo imaam ka ahaa masjid ku yaala gudaha dalka Faransiiska, kadib markii lagu eedayay inuu wax ka sheegay libaaska ay xirtaan haweenka.