Imisa Ayaa Ku Dhimatay Dagaalkii Ciidanka DF Dhexdooda Ahaa Ee Ka Dhacay Ex Control?

Faafaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa Iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka oo ka dhashay muran la xiriira lacagaha baada ah oo ay ciidamada ka qaadaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosho Muqdisho iyo gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogeyaal xilligii uu iska horimaadkani bilaabanayay waxaa ka jiray isgoyska mashquul, waxaana taagnaa gaadiid badan oo siday dad rakaab ah kuwaas oo qaarna ay soo galayeen magaalada kuwa kalena ay ka baxayeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa dirirtan ku dhintay 4 ruux oo isugu jira ciidamadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo midi ay haweeney tahay, iyadoona tiro kale ay ku dhaawacmeen, halka sidoo kale ay hakad ku keenay isku socodka gaadiidka.

Muqdisho ayaa waxaa caado ka ah isku dhaca u dhaxeeya ciidamada kawada tirsan DF, kaas oo khasaaraha ugu badan ay ka soo gaarto dad shacabka ah ee lagu dul dagaalamay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.