In ka Badan 1,400 Oo ruux Oo 24-saac Gudohood Cudurka Corona Ugu Dhintay Dalka Barazil.
Dalka Brazil ee dhaca bariga qaarada Latin America ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa laga diiwaan geliyay in kabdan 45,000 kun oo kiisas cusub oo cudurka Carona Virus ah iyo dhimadhada in kabdan 1,400 sida ay ku dhawaaqday wasaarada caafimaadka ee dalkaas.
Bayaan ay maanta Soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Brazil ayaa waxaa lagu sheegay in cudurka Covid-19 uu 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku soo ritay gudaha waddnka Brazil dad gaaraya 45,591 oo kiisas cusub ah, taas oo tirada guud dadka la’ildaran cudurkaani ka dhigaysay 19,308,109.
Sidoo kale bayaanka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in isla 24-kii saac ee lasoo dhaafay 1,450 ruux uu ku dilay caabuqa Corona gudaha dalka Brazil taas oo iyadana wadarta guud dadka reer Baraaziil ee cudurkaan uu gumaaday ka dhigaysa 540,500 oo ruux.
Dalka Brazil oo kaalinta labaad kaga jira dalalka caalamka marka la eego tirada dadka ugu badan ee u dhintay cudurka Covid-19 ayaa Toddobaadyadii la soo dhaafey waxaa si maalinle ah looga diiwaan gelinayay kiisas cusub oo hor leh , taas oo ay walaac xooggan ka muujisay Hay’adda sheegata Caafimaadka Adduunka ee WHO.