In Ka Badan 40 Ruux Oo Ku Dhintay Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Dalka Jarmalka.

Roobab mahiigaan ah oo ay barbar socdeen duufaanno iyo daadad xoog leh oo ka da’ayay todobaadkaan qaybo ka mid ah galbeedka dalka Jarmalka ayaa sababay khasaare xooggan oo isugu jira naf iyo maal intaba.

Sida laga soo xirtay wakaaladda wararka ee dalka Jarmalka roobabkaan ayaa waxay xoogoodu ka da’ayeen magaalooyin iyo deegaanno dhaca galbeedka waddanka Jarmalka kuwaas oo burburiyay dhismooyin iyo guryo dhowr ah.

Ciidamada booliska ayaa subaxnimadii hore ee maanta ,sheegay in qiyaastii 30 qof la la’yahay kadib markii lix guri ay dumeen fiidnimadii Arbacada, kuwaas oo ku yaalla galbedka Jarmalka daadad iyo roobab culus awgood, iyagoo intaa ku daray in ilaa 25 guri oo kale ay halis ugu jiraan inay dumaan kuwaas oo ku yaalla gobolka Eifel ee buuraleyda ah.

Inta la hubo waxaa ku dhintay daadkaan ugu yaraan 42 ruux, halka lagu la’yahay in kabdan 60 qof oo kale, sidoo kale waxaa ku burburay guryo badan Waxaana xirmay wadooyinka waa weyn iyo kuwa ay isticmaalaan tareenada isaga kala goosha gobolada dalkaas, iyadoona ay hakad galeen isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Waxaa saacadba saacadda ka danbaysa isa soo taraya wararka ku saabsan khasaaraha nafeed ee ay sababeen roobabkaan mahiigaanka ah oo xoogooda ka da’ay galbeedka dalka Jarmalka.

Sida lagu arkayo Muuqaallo iyo Sawirro lagu baahiyay baraha Internet-ka daadad xoowli ku socda ayaa dhex qulqulayay magaalooyinka dalkaas iyo dhismayaal dhowr ah oo burburay.

Ugu danbeyn musuuliyiinta Jarmalka ayaa ka digay suurtagalnimada in duufaanno daran ay ku dhuftaan koonfur-galbeed ee dalkaas, waxayna walaac xooggan ka muujiyen in ay dhici karto in khasaaruhu uu intaasi ka sii bato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.