In Ka Badan 100 Ruux oo Tigree Ah Oo Xabsiga Loo Dhaadhiciyay.

Ciidamada Booliska Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku xir xiray boqolaal ruux oo ka soo jeeda qowmiyada Tigreega tan iyo markii ciidamada mallteriga ee xukuumdda Addis Ababa ay lumiyeen gacan ku haynta caasimada gobolka Tigray 28-kii June, sida ay sheegeen dadka qaar oo lasii daayay.

Waa markii saddexaad oo howlgallo raaf ah ay ka dhacayaan caasimada Itoobiya kuwaas oo lagu qabqabtay tobonaan ruux oo u dhashay qowmiyada Tigreega, taas oo ay ururada u dooda xuquuqda iyo qareenada ay ku tilmaameen inay tahay mid ka dhan ah dadka soo jeeda qowmiyada Tigrayga iyadoo ay bilaabatay tan iyo bishii Novembar, markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidanka Xukuumadda Abey Axmed iyo JabhaddaTigray.

Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay dhawaan xireen dhowr shirkadood oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda qowmiyada Tigreega sababo lagu sheegay inay xiriir la leeyihiin Jabhadda TPLF, taasoo ay dowladda Itoobiya ku astayday in ay tahay urur argagixiso bishii May.

Dhankiisa afhayeenka ciidanka booliska ee magaalada Adis Ababa Fasika Fanta ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn raafka iyo xiritaanka goobaha ganacsiga.

Sidoo kale afhayeenka guud ee ciidamada booliska ee dowladda Itoobiya Gilan Cabdi oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri “Dadka la xiray waxaa laga yaabaa in lagu tuhmay dambiyo ay galeen, laakiin cidna looma bartilmaameedsanin sababo la xiriira jinsiyadooda,”

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa mar sii horaysay sheegay inaysan jirin siyaasad dawladeed oo lagu sifeynayo saraakiisha Tigray. Wuxuuna sheegay inuusan meesha ka saari karin in dad aan waxba galabsan la xiray.

Garyaqaan Tesvalim Barhi, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Tigray, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu ka war helay qabashada ugu yaraan 104 qof oo u dhashay Tigree oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Addis Ababa, iyo shan kale oo laga xiray magaalada bariga ku taal ee Dire Dawa.

Wuxuu intaas ku daray in inta badan dadka la xiray ay yihiin milkiileyaal hoteello, ganacsato, shaqaale gargaar, milkiileyaal dukaamo iyo waardiyeyaal.

Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Garyaqaanka Guud, iyo Guddi-howleedka Dowladda ee Arrimaha Tigreega kama aysan jawaabin warbixinnada ku saabsan qafaalka loo gestay dadkaan taas oo ay warbaahinta la wadaagen maxaabiista la sii daayay.

Dalka Itoobiya ayaa cagta saaray wadadii burburka waxaana maalinba maalinta ka danbysa sii kordhaya qulqulatooyinka siyaasadeed, deganaasho la’aanta iyo dirirta u dhaxaysa qoomiyadaha waaweyn ee wada dega waddankaas, iyadoona dagaaladaas aysii xoogeysteen tan iyo markii uu xukunka dalkaas ay la wareegtay xukuumadda uu hogaamiyo Abey Axmed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.