Joe Biden: Uma aan tagin Afqaanistaan inaan dhisno wadankaas. (Dhagayso)

Joe Biden, oo ah madaxweynaha wadanka Maraykanka ayaa markale muujiyay sida ay uga go’antahay in ciidankiisa uu kala soo baxo wadanka Afqaanistaan.

Wuxuu sheegay inaaney ugu duulin Afqaanistaan iney dhisaan wadankaas, sidaas darteed la gaaray waqtigii ugu haboonaa ee ay ciidamada Maraykanka kasoo carari lahaayeen Afqaanistaan.

Madaxweynaha Maraykanka oo khudbadan ka jeeiyay aqalka cad ee Maraykanka looga arimiyo ayaa wuxuu ku dheeraaday difaacida qorshaha ciidankiisa ay uga soo baxayaan Afqaanistaan, wuxuuna sheegay in sii socoshada duulaanka Afqaanistaan aaney dani ugu jirin Maraykanka.

Isagoo sii hadlaya ayuu Joe Biden madaxweynaha dalka Maraykanka wuxuu sheegay in Imaarada islaamiga ah ay mareyso halkii ugu sarreysay marka laga hadlayo awoodda milliteri, haddii ay sii joogaan ciidamada Maraykanka wadankaasna ay fulin karto weeraro dhiig looga daadiyo ciidamada Maraykanka.

Soomaalidu waxay horey utiri nimaan warankaagu mudin weedh la marin waaye, in Maraykanka uu ka cararo wadanka AFqaanistaan, daahana ka roga xaqiiqda ah in dalka Afqaanistaan aanu u tagin inuu dhiso wadankaas waxay timid markii shacabka Afqaanistaan iyo Mujaahidiintooda oo is kaashanaya ay 20 sano oo xiriir ah la dagaallamayeen ciidamada Shisheeyaha ee dalkaas ku duuley.

Hadalka Joe Bidenna wuxuu banaanka soo dhigay in Shisheeyuhu uu danihiisa gaarka ah ka fushada caalamka Islaamka, waxna aaney ka jirin hadallada ay Shisheeyuhu soo celceliyaan ee ah iney ugu duuleen wadamada caalamka Islaamka iney garab istaagaan shucuubta wadamadaas.

Halkan ka dhagayso Warbixin-Joe-Biden-oo-ka-hadlay-kasoo-bixitaanka-dalka-Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.