Khasaarihii Ka Dhashay Dagaalkii Mudug oo Kordhay.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa khasaarihii ka dhashay dagaallo shalay ka dhacay degaano hoos taga Wisil iyo Bacaadweyne oo ka wada tirsan gobolka Mudug islamarkaana dhex maray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Galmudug.

Dagaalada oo muddo 6 goor ah ka dhacay Sabeena-gowrac, qeycad iyo meelo kale oo duleedka Bacaadweyne ah ayaa waxaa ku dhimasho iyo dhaawac ku noqday 70 isugu jira saraakiil iyo ciidamo.

Saraakiishii lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah sargaal maleeshiyaadka Bangaraafta u qaabilsanaa dhanka gaadiidka oo ku magac dheeraa Faroole.

Ciidamada Galmudug ayaa qeybo kamid ah fagaarayaasha dagaalka uga cararay meydad iyadoo sidoo kale hub culus lagala helay gaadiid 3 gaaraya kuwaasoo gubasho iyo wax yeello u qeybsamay.

Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah hubkii ciidanka Galmudug oo u badan boobayaal iyo rasaas.

Meydadka qaar kamid ah ciidamada iyo dhaawacyadaba waxaa saaka loo qaaday magaalada Gaalkacyo waxaana dhammaan goobihii shalay lagu dagaalamay gacanta ku haya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Axmad Macallim Fiqi oo qeyb ku lahaa abaabulka ciidamadii shalay dagaalka lagu jabiyay ayaa muddo bil laga joogo shaaca ka qaaday in ciidanka DF ay ka baqayaan askarta Xarakada Al-Shabaab, si lamid ah sidii ay gaaladu uga baqi jireen Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam, isagoo waliba markaasi soo qaatay (waa Fiqiye) xadiithkii uu Suubanuhu ku sheegayay in wax yaabaha loogu gargaaray uu kamid yahay in laga argagaxo meel bil loo socdo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.