Ku Dhawaan 10 Askari oo Ka Tirsan Jubbaland oo Lagu Dilay Weerar Hubna Laga Furtay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo saaka ka dhacay duleedka deegaanka Jaziiradda Kudhaa ee gobalka Jubbada hoose oo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo ka tirsn Xarakada Mujaahiinta Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah u dhigay askar ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Kudhaa waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay warbaahinta Afurqaan u xaqiijiyeen ilo mas’uul ah waxaa weerarkaan lagu dilay 8 askari oo ka tirsan ciidamda Jubbaland ee ku dhacay weerarka kamiinka ah iyadoona lagu dhaawacay 10 kale, halka lagu furta ilaa 6 qori oo ay wateen askarta dhimatay.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo habeenkii xalay weerar lagu qaaday farsimo ay ciidamo ku sugnaayeen kuwaas oo ku yaalla deegaanka Kudhaa ee gobalka Jubada hoose islamarkaana lagu bar tilmaameydsanayay 2 sarkaal oo katirsan ciidamadaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.