Maamulka Puntland oo Galmudug Ka Dalbaday Iney Difaac Adag Ka Galaan Al-Shabaab Si Aysan Iyaga Usoo Gaarin.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu kulan xasaasi ah dhex maray labada maamul ee ay u qeybsan tahay magaaladaas. Puntland oo aad uga cabsi qabtay in gurguuradka ciidamada Al-Shabaab uu si dhaqsi ah ku gaaro degaanada ay ka arrimiso ayaa Galmudug ka dalbatay iney ku adkeysato meelaha ay haatan joogto, xilli horey looga qabsaday degaano dhowr ah oo uu Bacaadweyne kamid yahay.

Galmudug ayaa dalbaday in Puntland ay keento ciidamo wax ka difaaca dhulka uu haatan baaqiga ku tahay balse Puntland wey ku adkaatay iyadoo saraakiishii uga qeyb gashay shirka ay xuseen in qudhooda uu culeys ka heyso dhanka gobolka Bari, gaar ahaan Golis, oo ay joogaan ciidamo xooggan oo kamid ah Al-Shabaab.

Gorfeyn dheer kadib, waxaa la isla gartay in Puntland ay galmudug ka caawiso intii tabarteeda ah dhanka sahayda waxaana maanta oo Khamiis ahayd ku wareejiyeen Shidaal aan badnayn oo tobannaan fuusto ah.

Gudoomiyaha Mudug ee dhanka Puntland, Sanyare oo caan ku ah inuu hadda ka hor yiri” “Aadaanka Masaajidda ayaan dhibsadaa” ayaa mamaulka kale ku wareejiyay Shidaalka.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii hogaamiye Qoor-qoor uu cod dheer ku sheegay in dagaalka ay kula jiraan Wilaayada Islaamiga ah ee Mudug uusan ahayn oo kaliya mid uu ku difaacanayo nidaamkiisa, hase ahaatee uu ku difaacayo maamullo kale isagoo markaas u duur xulayay Puntland.

Talaadadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay ciidamada Galmudug ku jabeen dagaallo 3 goobool ka dhacay kana soo carareen meydadka 21 askari oo ciidankooda ah, waxaana cabsida haatan heysata aad usii kordhinaya sida dadka xog ogaalka ahi sheegayaan in badan oo kamid ah qabaa’ilka Mudug oo gacansaar weyn la yeehsay Al-Shabaab, halka kuwa ku hoos nool maamuladaas ay iyaguna usoo gacan haadinayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.