Madaafiic Lagu Garaacay Saldhig Ay Ciidamada Xabashida Ku Leeyihiin Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ee bartamada dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in duqeyn culus lala beegsaday saldhig cidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolkaas.

Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow tiro gantaallo ah la bartilmaameedsaday saldhigga ciidamada Xabashida ay kaga sugan yihiin deeganka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Sida wararku nagu soo gaarayaan ilaa iyo 7 madfac ayaa ku dhacday gudaha xerada ciidanka Itoobiya kuwaas oo jugtooda laga maqlay inta badan deeganka Halgan.

ilaa iyo haatan wax faafaahin ah lagama helin intuu la eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray askarta Xabashida Itoobita ee ku sugnaa saldhigga ay ciidamada Mujaahidiinta galabta la beegsadeen duqeynta.

Duqeyntaani ayaa ku soo aadaysa xili labo habeen ka hor ay ciidamada Xarakada Mujaahiddinta Al-Shaabab tiro gantaallo ah ay ku weerareen xero ay ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay ee koonfur galbeed dalka Soomaalya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.