Madaxtooyada Oo Duqeymo Lagu Garaacay iyo Howlgallo kale oo Dhacay. (Dhagayso)
Ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ugu yaraan 7 madfac ayaa ku dhacday madaxtooyada oo ay xilligaas ku sugnaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka oo uu kamid yahay madaxweyne Farmaajo.
Lama oga waxyeellada iyo khasaaraha ka dhashey duqeyntan, balse waxay dhalisay argagax ballaaran oo soo wajahay masuuliyiintii halkaas ku sugnaa.
Marka laga soo tago duqeyntaas, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliyeen silsilado weeraro ah oo ka kala dhacay qaar kamid ah gobollada, kuwaasoo lala eegtay ciidamada Dowladda federaalka.
Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgallo dhowr ah oo dhacay saacadihii lasoo dhaafey.