Maraykanka Oo ka baxay Saldhigii ugu weynaa ee Afqaanistaan. (Dhagayso)
Isbedello waaweyn ayaa laga soo sheegayaa wadanka Afqaanistaan, ciidamada Maraykankana waxay isaga baxeen saldhigii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen wadankaas oo ah saldhiga Bagram.
Saraakiisha Maraykanka ayaa saldhiga ku wareejiyay askarta xukuumadda Kaabul, waxaana tallaabada ka bixitaanka Maraykanka ee Bagram soo dhaweeyey Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan.
Bagram waa saldhigii ugu weynaa ee ay Maraykanku kaga sugnaayeen Afqaanistaan, waana goobta laga hagayay duulaanka ay ku qaadeen wadankaas, 50km ayuu ka fogyahay magaalada Kaabul ee caasimadda ah.
Waxay kusoo aaday tallaabadan, iyadoo dalka Afqaanistaan ay isku fidineyso Imaarada islaamiga ah, maalmihii dhawaana waxay Mujaahidiintu la wareegeen deegaanno muhiim ah.